Khasaaraha weerarro ka kala dhacay gobollada Shabeellaha hoose & Banaadir.

Sunday October 11, 2026 - 15:05:27
MeMO Staff
Saacadihii lasoo dhaafay waxaa koonfurta Soomaaliya ka dhacay weerarro geystay khasaare kala duwan oo lala beegsaday maleeshiyaadka Villa Soomaaliya.
Gobolka Banaadir, Jihaadiyiinta Al-Shabaab ayaa xalay qarax la beegsadeen saldhig maleeshiyaadka Gurguurte ku leeyihiin waaxda Barwaaqo ee degmada Dayniile ee caasimadda Muqdisho.

Sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo aanu helnay, hawl-galkaasi waxaa ku dhaawacmay ugu yaraan 1 askari oo ka tirsan maleeshiyaadka la qarxiyey.

Gobolka Shabeellaha hoose, xoogagga Al-Shabaab ayaa maanta weeraray isbaaro maleeshiyaadka Villa Soomaaliya u taallay afaafka hore ee deggaanka Shalambood ee degmada Marka.

Inta la xaqiijiyey, weerarkan waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday ugu yaraan 2 askari oo ka tirsanaa maleeshiyaadka daba-dhilifyada ah ee Xasan Sheekh Maxamuud.

Weerarradan ayaa qayb ka ah hawl-gallada sida joogtada ah loogu ugaarsado ciidamada shisheeye ee dalka kusoo duullay iyo daba-dhilifyada ay ku adeegtaan.

Related Items

Update cookies preferences